DHAGEYSO WAREYSI : Xildhibaan Dalxa oo eedeeyay Xukuumada Soomaaliya

Xildhibaan Maxamed Cumar Dalxa oo ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka Sooomaaliya ayaa sheegay in Xukuumada Soomaaliya ay ka gaabisay iney ka war heyso derbiga ay Kenya ka dhiseyso Xadka ay Soomaaliya la wadaagto.

Waxa uu sheegay in Madaxda Dowladda ay ku mashquulsan yihiin Siyaasadaha gudaha isla markaana ay Kenya bilowday iney dib usoo celiso qorshihii ay ku dhisaysay derbiga .

Waxa uu sidoo kale sheegay in ay ku dadaalayaan sidii Kenya loogu joojin lahaa qorshaha ay wadato isla markaana ay ka hortagayaan.

Sidoo kale Xildhibaan Maxamed Cumar Dalxa ayaa sheegay in Kenya ay ka go’an tahay iney dhisto Derbiga balse Dowladda loogu baahan yahay iney go’aan adag ka qaadato arrintaan.

Sidoo kale waxa uu sheegay in ay muhiim tahay in meel loogu soo wada jeesto in Kenya laga joojiyo qorshaha ay wadato.