Ciidamada Ciraaq oo gudaha u galay Moosil

Xoogagga dowladda Ciraaq waxa ay daafaha magaalada Moosil dagaal culus kula galeen dagaallamayaasha daacish.

Waxa ay ciidamadan isku deyayaan inay markii ugu horeysay galaan magaalada, tan iyo markii ururka la baxay Khilaafada Islaamka uu qabsaday, in ka badan laba sano ka hor.

Waxaa jiro isku dhac aad u xoog badnaa oo shalay illaa xalay oo dhan ka socday xaafadaha hareeraha magaalada Moosil ku yaalla.

Qaramada Midoobeey ayaa dhankeeda sheegeysa in daacish ay shacabka isugu geyneyso goobaha istaraatiijiga ah ee Moosil.

Ururka la baxay Khilaafada Islaamka ayaa 25 kun oo qof oo shacab ah u adeegsanaya sida difaac ama gabaad oo kale, sida uu sheegayo Ravina Shadasani, oo ah afhayeenka arrimaha xuquuqda aadanaha ee UN.