Kooxdda Man City ayaa la timid rikoor ka wanaagsan midka dariskooda Man United kadib guushii ay xalay Barcelona uga gaareen Etihad Stadium.
Waxaa ay muujiyeen iftiin weerar taas oo City ka caawisay iney garaacdo wiilasha Luis Enrique, Ilkay Gundogan ayaa dhaliyay labo gool halka Kevin De Bruyne uu dhaliyay laad xor ah.
Natiijadan waxaa ay u aheyd mid taariiqi ah wiilasha Pep Guardiola, waxaa ay noqdeen kooxdii ugu horeysay ee Ingriis ah ee saddex gool ka dhalisa Barcelona kulan ka tirsan Champions League tan iyo xili ciyaareedkii 1998/99 markaas oo ay Man United sidaas sameysay.
Man United ayaa labo jeer la ciyaartay Barcelona xili ciyaareedkii ay sadexleyda koobabka ah qaadeen 1999-kii, labada kulanba bar bar dhac ayey ku dhamaadeen laakiin waxaa la xasuustaa kulankii 3-3 ku idlaaday ee ka dhacay Camp Nou.
Inkastoo Man City ay soo celisay natiijadii saddexda gool ee laga dhaliyo Barca hadana waxaa ay natiijadan sii qurxonaan doonta hadii ay koobka qaadaan sidii Man United.


