Madaxweynaha Hirshabeelle oo gaaray Beledweyne

Beledweyne-RisaalaFM- Madaxweynaha cusub ee Maamulka Hirshabeelle Cali C/laahi Cosoble iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa waxa ay gaareen Magaalada Beledweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan.

Wafdiga Madaxweynaha cusub ee Maamulka Hirshabeelle Cali C/laahi Cosoble ayaa waxaa Garoonka Magaalada Beledweyne Ugaas Khaliif ku soo dhaweeyay Maamulka Gobolka, Odayaasha Dhaqanka, Haween iyo xubno kale.

Ujeedka wafdiga Madaxweynaha Maamulka Hirshabeelle ayaa lagu sheegay sidii uu kulamo u la qaadan lahaa Waxgaradka Gobolka, waxaana uu kala hadli doonaa tabashooyinka iyo dhaliilaha ay ka qabaan Maamulka Hirshabeelle.

Shalay ayay aheyd markii Madaxweynaha cusub ee Maamulka Hirshabeelle Cali C/laahi Cosoble iyo wafdi uu hogaaminayo ay soo gaareen Magaalada Muqdisho, waxaana uu kulamo la qaatay Madaxweynaha Soomaaliya.