DHAGEYSO: Baaq loo diray Ciidanka Booliska Soomaaliyeed

Muqdisho-RisaalaFM- Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed General Maxamed Sheekh Xasan (Xaamud), Danjiraha Dowladda Talyaaniga u fadhiya Soomaaliya iyo Saraakiil kale ayaa maanta tagay xarunta Dugsiga Tababarka General Kaahiye ee Magaalada Muqdisho.

General Maxamed Sheekh Xasan (Xaamud) Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa Ciidanka Booliska ugu baaqay in ay ka shaqeeyaan Amaanka xilliga Doorashada iyo sidoo kale xlliga kala guurka ah ee uu Dalka galayo.

Mr. Carlos Capella oo ah Danjiraha Dowladda Talyaaniga u fadhiya Soomaaliya oo isna dhankiisa warbaahinta la hadlay ayaa sheegay Ciidanka Booliska Soomaaliyeed in ay hayaan howl wanaagsan, waxaana uu kula dar daarmay in ay sii wadaan dadaalada ay haatan sii wadaaan.