Masar-RisaalaFM- Shirka Baarlamaanada Afrika kulankaasi caadiga ah ee Bishan October lagu qaban jiray Magaalada Johanesberg ee Dalka South Afrika ayaa sanadkan qabashadiisa waxaa marti gelisay Magaalada Sharma Shiikh ee Dalka Masar.
Shirka Baarlamaanada Afrika ee PAN ayaa gaba gabadiisa waxaa looga hadlay arrimo dhowr ah oo ay ka mid ahaayeen la dagaalanka Argagixisada, Musuq maasuqa iyo isku gooshida Muwaadiniinta Afrika iyo Hormarinta Dumarka.
Marwo Safiyo Cilmi Jabriil oo ah Madaxweyne ku xigeenka Labaad ee Baarlamaanka PAN Afrika oo gaba gabadii shirkan warbaahinta la hadashay ayaa sheegtay in shirkan PAN Afrika uu si wanaagsan ugu soo gaba gaboobay Magaalada Sharma Shiikh ee Dalka Masar.
Shirka Baarlamaanada Afrika oo mudo Todobaad ah ka socday Magaalada Sharma Shiikh ee Dalka Masar ayaa shalay gelinkii dambe si rasmi ah loo soo gaba gabeeyay.


