C/raxmaan Faroole oo ku guuleystay kursiga 2-aad Aqalka Sare ee Puntland

Garowe-RisaalaFM- Madaxweynihiii hore Maamulka Puntland C/raxmaan Sheekh Maxamed (Faroole) ayaa ku guuleystay kursiga Labaad ee Aqalka Sare Deeganada Maamulka Puntland.

C/raxmaan Sheekh Maxamed (Faroole) Madaxweynihii hore ee Maamulka Puntland ayaa ku soo baxay codad fiican, sida uu ku dhawaaqay Guddoomiyaha Baarlamaanka Maamulka Puntland Axmed Cali Xaashi.

Kursiga Aqalka Sare ee uu u tartamaayay Madaxweynihiii hore Maamulka Puntland C/raxmaan Sheekh Maxamed (Faroole) ayaa soo gaba gaboobay, waxaana loo gudbay Kuraasta kale ee ay u tartamayaan Musharaxiinta kale ee u taagan qabashada Aqalka Sare ee Deeganada Maamulka Puntland.