DEG DEG: Qarax ka dhacay Muqdisho

Muqdisho-RisaalaFM- Wararka inaga soo gaaraya ayaa Isgoyska Ex-control Balcad ee Degmada Hiliwaa ayaa waxa ay sheegayaan Qarax khasaare geystay in uu ka dhacay halkaasi.

Qaraxan ayaa dhacay xalay abaare 03:00 Habeenimo, waxaana nuuciisa uu ahaa Miinada nuuca dhulka lagu Aaso.

Afhayeenka Maamulka Gobolka Banaadir C/fataax Cumar Xalane ayaa Idaacadda Risaala u sheegay in Miinadaasi ay la qaraxday 3 Dhalinyaro ah oo Shabaab ah, kuwaas oo xilligaasi ku howlanaa Aasida Miinadaasi.

C/fataax Cumar Xalane Afhayeenka Maamulka Gobolka Banaadir ayaa sidoo kale Wuxuu sheegay Saddexdaasiba in ay goobta ku geeryoodeen.

Maamulka Degmada iyo Ciidanka Amaanka ayaa saakay waxa ay gaareen goobta uu Qaraxa ka dhacay, waxaana ay halkaasi ka wadaan baaritaano la xiriira falkan.