Godinlabe-RisaalaFM- Wararka inaga soo gaaraya Deegaanka Godinlabe ee Gobolka Galgaduud ayaa waxa ay sheegayaan in saakay xaalada Deegaankaasi ay tahay mid degan.
Deegaanka Godinlabe ee Gobolka Galgaduud ayaa waxaa shalay ilaa iyo xalay ku dagaalamayay Ciidamo ka kala tirsan Maamulada Galmudug iyo kuwa Ahlu-sunna, waxaana Dagaalkaas uu geystay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.
Wariyaha Risaala ee Gobolka Galgaduud ayaa wuxuu soo sheegayaa in saakay xaaladu ay tahay mid degan, inkastoo weli labada dhinac ay isku hor fadhiyaan goobihii lagu dagaalamay.
Dadka Deeganka ayaa cabsi badan ka muujinaya in markale uu dagaal ka dhaco Deegaankaasi, waxaana ay bilaabeen in ay ka barakacaan halkaasi.


