Dowladaha Soomaaliya iyo Turkiga ayaa waxay kala saxiixdeen heshiis ku saabsan ganacsiga iyo maalgashiga labada dalka Soomaaliya, kadib shirkii ka dhacay magaalada Istanbul.
Heshiiskan ayaa waxaa labada dowladood u kala saxiixay labada wasiir ee Wasaaradaha Ganacsiga iyo maalgashiga, waxaana wasiirka ganacsiga ee Soomaaliya uu sheegay in hishiiskaasi u wanaagsan yahay Soomaaliya.
Heshiiskan ayaa ganacsatada iyo maal qabeenada Dalka Turkiga u ogolaanayo in ay maalgashadaan Soomaaliya iyo sidoo kale in ay ka shaqeeyaan hormarinta ganacsiga.
C/llaahi Cusmaan oo ka mid ah ganacsatada Soomaaliyeed ee shirkaasi ka qeyb galay ayaa Idaacada Risaala ugu warbixiyay muhiimada shirkaan iyo kaalinta ay ku leeyihiin ganacsatada Soomaaliyeed.


