Xoghayaha arrimaha dibadda ee Mareykanka, John Kerry waxa uu sheegayaa inuu aaminsan yahay in heshiis hordhac ah laga gaaray arrintan joojinta colaadda ee Suuriya.
Waxa uu hadalkaasi ku sheegay warqoraal ah oo uu kasoo saaray Jordan, waxyar kaddib markuu la hadlay dhigiisa Ruushka, Sergei Lavrov.
Mr Kerry waxa uu tilmaamay in madaxweynayaasha Mareykanka iyo Ruushka, Obama iyo Putin, ay maalmaha soo socda wada hadli doonaan, si loo dhameystiro wax uu ku sharaxay mabaadii’da heshiiska.
Dowladaha ugu xoogabbadan caalamka, iyo bariga dhexe, waxa ay isku raceen horraantii bsihan, in la joojiyo dagaalka Suuriya.
Laakiin dowladaha oo ku shiray Munich waxa ay go’aamiyeen in arrintaasi ay hirgasho Jimcihii aan soo dhaafna, balse xabad joojinta ma aysan dhaqan galin.


