DHAGEYSO: Xoghayaha golaha baarlamaanka oo ka warbixiyay shirkii maanta muqdisho lagu soo gaba gabeeyay.

Xog hayaha golaha baarlamaanka federaalka Soomaaliya C.Kariin Xaaji Cabdi Buux oo la hadlay Idaacadda Risaala ayaa waxaa uu ka shirkii maalmahan magaalada muqdisho uga socday gudoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari iyo sidoo kale gudoomiyaasha baarlamaanada maamulada dalka ka jira.

Xog hayaha golaha baarlamaanka federaalka ayaa sidoo kale tilmaamay in shirka ujeeedadiisa ugu weyn ay ahayd sidii ay uwada shaqayn lahaayeen baarlamaanada.