Dowladda Soomaaliya ayaa Maanta lagu wado in ay dowladda Kenya in ay siiso jawaab ku aadan muranka badda ee ka dhaxeeya labada dal.
Qareenada u doodaya dowladda Soomaaliya ayaa lagu wadaa in ay hadallo ay kasoo jeediyaan Maxkamada Maanta.
Dowladda Kenya ayaa shalay sheegtay in maxkamadda Caalamiga ee ICJ aysan qaadi karin dacwada badda ee u dhaxeysa dowladda Kenya iyo sidoo kale Dowladda Soomaaliya.
Dowladda Soomaaliya Qareenada u doodaya ayaa maanta lagu wado in ay maxkamada kasoo jeediyaan hadallo ka duwan ee ku aadan muranka Badda ee u dhaxeeya dowladda Soomaaliya iyo sidoo kale dowladda Kenya.
Wariye Cabdiraxmaan Nuur Abuukar oo ka mid ah wariyeyaasha ku sugan dalka Holland oo la hadlay idaacadda Risaala ayaa ka hadlaya sida ay wax u socdaan.


