DAAWO: Jabriil Ibraahim Cabdulle oo ku dhawaaqay in uu yahay Musharax Madaxweyne

Muqdisho-RisaalaFM- Jabriil Ibraahim Cabdulle ayaa maanta ku dhawaaqay in uu yahay Musharax u taagan xilka madaxtinimo ee Soomaaliya 2016-ka.

Munaasabada uu kaga dhawaaqayay in uu yahay Musharaxa Madaxtinimo ayaa waxaa ka qeyb galay Siyaasiyiin, Xubno ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya, Aqoonyahano, iyo Dadweyne aad u fara badan.

Mas’uuliyiinta Madasha hadalka ka jeedisay ayaa sheegay in Jabriil Ibraahim Cabdulle uu u qalmo qabashada xilka Madaxtinimo ee Soomaaliya 2016-ka, sidoo kalena la filayo Doorashadeeda dhowaan in ay ka qabsoonto Soomaaliya.

Jabriil Ibraahim Cabdulle ayaa ah nin dhalinyaro ah, waxaana dadkii halkaasi ka hadlay ay sheegeen in Jabriil uu u qalmo in uu dalka ka samato bixiyo Marxalada hada uu ku jiro.

j1 j2 j3 j4 j5 j2