DEG DEG: Bambo gacmeed Caawa lagu weeraray Gudoomiye Degmo

Muqdisho-RisaalaFM- Wararka inaga soo gaaraya Degmada Hodan ee Gobolka Banadaair ayaa waxa ay sheegayaan in Caawa Bamo gacmeed lagu weeraray Guriga Gudoomiyaha Degmada Hodan Axmed Salaad Ibraahim.

Inla la xaqiijiyay 2 ka mid ah Ilaalada Gudoomiyaha Degmada Hodan ayaa ku dhaawacantay weerarkan Bambo gacmeedka ah, waxaana Ilaalada Gudoomiyaha Degmada Hodan weerarka kadib ay afarta jiho u rideen Rasaas fara badan.

Gudoomiyaha Degmada Hodan ee Gobolka Banaadir Axmed Salaad Ibraahim oo la hadlay Idaacadda Risaala ayaa sheegay in xilliga la soo weerarayay Gurigiisa uu isaga ka maqnaa, sidoo kalena ay ku dhaawacmeen weerarka 2 ka mid ah Ilaaladiisa.

Wuxuu sheegay Axmed Salaad Ibraahim Gudoomiyaha Degmada Hodan ee Gobolka Banaadir in hada ay wadaan baaritaano ku aadan sidii gacanta loogu soo dhigi lahaa Raggii ka dambeeyay weerarkan.