DHAGEYSO WAREYSI: Dagaal ka Dhacay Gobolka Galgaduud

Wararka naga soo gaaraya gobolka Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya ayaa sheegaya in ciidanka dowladda Soomaaliya sidoo kale Al-Shabaab uu dagaal ku dhexmaray deegaano hoos yimaada degmada Ceelbuur ee gobolka Galgaduud.

Dagaalka ayaa yimid ka dib markii ciidamo ka tirsan Xoogga dalka iyo sidoo kale Ciidanka Itoobiya oo ku socdaalayay deegaanka Dac ay jidka u galeen ciidamo ka tirsan Al-Shabaab.

Dagaalka ayaa socday muddo saacaddo ah sida ay sheegeen dadka kunool deegaanka Dac ee gobolka Galgaduud.

Gudoomiyaha degmada Ceelbuur Cabdi Xasan Biyo Quute oo la hadlay idaacadda Risaala ayaa sheegay in ay Al-Shabaab ka carareen meydka 3 nin , waxaana uu guul ka sheegtay dagaalkii ay la galeen ururka Al-Shabaab.