Madaafiic ku dhacday Nawaaxiga Xarunta Ciidanka AMISOM

Wararka inaga soo gaaraya nawaaxiga xerada AMISOM ee Xalane ayaa sheegaya in Tiro Madaafiic ah ay ku dhaceen Nawaaxiga Xerada AMISOM.

Madaafiicda oo la sheegay in ay ku dhaceen xarunta ciidanka Midowga Afrika ee AMISOM , Waxaana la sheegaya in ku dhawaad 2 madfac ay ku dhaceen xarunta AMISOM.

Wararka waxa ay tilmaamayaan in mid ka mid ah Madaafiicda uu ku dhacay Goob ay degan yihiin dad shacab ah, waxaana ka dhashay Khasaare Kala duwan.

Dad goobjoogaal ah ayaa idaacadda Risaala u sheegay in Madaafiic laga tuuray  agagaarka Iskuul Jabuuti ee dalka degmada Wadajir ee gobolka Banaadir.