Puntland oo ku dhawaaqday in ay xirtay xuduudaha ay la wadaagto Koonfurta

Maamulka Puntland ayaa goordhaw ku dhawaaqay in ay xireen xuduudaha ay la wadaagaan Koonfurta iyo Waqooyiga Soomaaliya.

Afhayeenka maamulka Puntland oo goordhow la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in maamulka Puntland ay xirteen xuduudahooda , islamarkaan aysan aqbali doonin Gawaarida kasoo gudubta  Koonfurta Soomaaliya in ay soo gaaraan deegaanada maamulka Puntland.

Afhayeenka ayaa sheegay in la xiray xuduudaha si loo fuliyo go’aanadii  lagu mamnuucay gaadiidka ka yimaada Koonfurta iyo Waqooyiga.

Madaxweynaha ku xigeenka Puntland ayaa dhawaan wareegto uu soo saaray ku mamnuucay Gawaarida ka timaada koonfurta Soomaaliya  in ay gaaraan deegaanada maamulka Puntland.