Wararka naga soo gaaraya magaalada Gaalkacyo ayaa sheegaya in magaaladaasi lagu dilay nin ka mid ahaa ganacsatada magaalada Gaalkacyo.
Kooxo hubeysan ayaa weerar ku qaaday gaari maraayay bartamaha suuqa magaalada Gaalkacyo , waxaana ay dil u geystay Ganacsade Cabdulaahi Cusmaan Axmed, waxaana sidoo kale dhaawac soo gaaray hal qof sida ay sheegeen dad goobjoogaal ah.
Ciidanka ammaanka maamulka Puntland ayaa la sheegay in ay halkaasi ay saakay howgal ka sameeyeen.
Kooxihii dilka Geystay ayaa la sheegay in ay baxsadeen.


