Dowladda Soomaaliya oo tacsi u dirtay Masar kaddib shil dhimasho badan sababay.

Shil gaari oo sababay khasaare nafeed iyo mid hantiyeed oo baaxad leh ayaa xalay ka dhacay dalka Masar, kaddib markii booyad shidaal siday ay ku rogmatay waddada weyn ee Cairo Ring Road, gaar ahaan deegaanka Al-Warraaq ee gobolka Giza, duleedka caasimadda Qaahira.

 

Booyadda oo ku dhacday xayndaabka waddada ayaa markiiba qaraxday, waxaana dab xooggan oo ka dhashay qaraxa uu ku faafay gaadiid kale oo xilligaasi marayay waddada, taas oo sababtay musiibo baaxad leh.

 

Wararka laga helayo goobta shilka ayaa sheegaya in in ka badan 31 qof ay ku dhinteen, halka ugu yaraan 21 qof oo kale ay dhaawacyo soo gaareen, qaarkoodna ay soo gaareen gubasho daran. Sidoo kale, in ka badan 27 gaari ayaa ku burburay dabka iyo qaraxa ka dhashay booyadda.

 

Madaxweynaha Masar, Cabdifataax Al-Siisi, ayaa tacsi u diray qoysaska dadkooda ku waayay shilka, isagoo hay’adaha dowladda faray inay gargaar iyo taageero degdeg ah gaarsiiyaan dadka dhaawacmay iyo qoysaska ay musiibadu saameysay.

 

Dhanka kale, Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa tacsi rasmi ah u dirtay dowladda iyo shacabka Masar, kaddib shilka naxdinta leh ee ka dhacay deegaanka Al-Warraaq ee gobolka Giza.

 

War-saxaafadeed tacsi ah oo dowladda Soomaaliya soo saartay 25-ka Nofeembar 2026 ayaa lagu sheegay in Soomaaliya ay murugada la qeybsaneyso Jamhuuriyadda Carabta ee Masar, hoggaankeeda, dowladdeeda iyo shacabkeeda, xilli ay wajahayaan musiibadan.

 

Dowladda Soomaaliya ayaa sidoo kale tacsi u dirtay qoysaska ay musiibadu saameysay, iyadoo Alle uga bariday inuu naxariistiisa janno siiyo dadkii ku geeriyooday shilka, halka dadka dhaawacmayna ay u rajeysay caafimaad degdeg ah oo taam ah.

 

Shilkan ayaa ka mid noqday musiibooyinka gaadiid ee khasaaraha badan dhaliyay, waxaana weli muhiimad gaar ah la siinayaa gurmadka iyo daryeelka dadka ay waxyeelladu kasoo gaartay.