31 qof oo ku dhintay shil ka dhacay magaalada Qaahira.

31 qof ayaa ku dhintay, halka 21 kalena ay ku dhaawacmeen kaddib markii dab xooggan uu ka kacay waddo weyn oo ku taalla magaalada Qaahira ee dalka Masar.

 

Shilka ayaa dhacay kaddib markii gaari booyad ah oo shidaal siday uu rogmaday, taas oo sababtay shilka, sida ay sheegtay Wasaaradda Caafimaadka ee dalkaasi.

 

Isbitaallada ku dhowaa goobta ayaa la gaarsiiyay dad qaba dhaawacyo gubasho ah iyo dhibaatooyin xagga neefsashada ah, kuwaas oo ka dhashay qiiqa.

 

Dhacdadu waxay shalay fiidkii ka dhacday waddo ku taalla deegaanka Warraq.

 

Muuqaallo lagu baahiyay baraha bulshada ayaa muujinayay holac aad u weyn iyo qiiq madow oo cirka isku shareeraya, iyadoo dhowr gaari oo goobta ka ag dhawaa ay dab qabsadeen.

 

Saraakiishu weli ma aysan soo saarin war rasmi ah oo ku saabsan sababta dabka. Hase yeeshee, warbaahinta dowladda ayaa sheegtay in booyadda shidaalka ay rogmatay, shidaalkiina uu ku daatay baabuurtii ka ag dhowaa.

 

Xeer-ilaalinta deegaanka ayaa bilowday baaritaan ku saabsan dhacdada, waxayna amartay in meydadka dadka dhintay laga qaado muunado DNA ah si loo xaqiijiyo aqoonsigooda.

 

Wargeyska Al-Ahram ee dowladda ayaa soo xigtay ilo xog-ogaal u ah baaritaanka oo sheegay in gaariga xamuulka ah, oo ay leedahay shirkad gaar loo leeyahay, uu waddada marayay markii fiilooyinka korontadu ay hortiisa ku soo dhaceen.

 

Arrintaas ayaa keentay in darawalku uu lumiyo xakamaynta gaariga.