Hay’adda Global Safety Report oo ah hay’ad cilmi-baaris ku sameysa amniga caalamka, ayaa warbixin cusub ku sheegtay in 74% ay soo hagaagtay xaaladda amniga Soomaaliya, marka la cabbirayo dareenka muwaadiniinta ee badbaadada, gaar ahaan marka ay habeenkii safrayaan iyo marka ay u kala socdaan deegaannada kala duwan ee dalka.
Natiijadan ayaa Soomaaliya ka dhigeysa dalka ugu sarreeya sookabashada degdegga ah ee dalalka Saxaraha ka hooseeya ee Afrika, iyadoo ka sarreysa celceliska caalamka oo ah 69%.
Warbixinta ayaa sidoo kale muujisay in Soomaaliya ay ka sarreysay dalal ay ka mid yihiin Ruushka oo helay 72%, Boqortooyada Ingiriiska 71%, Faransiiska 71%, Hindiya 71% iyo Australia 64%, halka Shiinaha uu la mid noqday Soomaaliya oo helay 74%.
Dhanka kale, Soomaaliya ayaa heshay 75 dhibcood marka la eego Law and Order Index, oo cabbiraya kalsoonida shacabka ay ku qabaan booliska, dareenkooda amniga iyo waayo-aragnimadooda la xiriirta dembiyada.
Dhibcaha Soomaaliya ayaa shan dhibcood ka hooseeya celceliska caalamka oo ah 80, hase yeeshee waxay muujinayaan aragti ka duwan qiimeynta amniga ee ku saleysan oo keliya dagaallada iyo weerarrada.
Warbixintan ayaa tilmaamaysa in qiimeynta amniga Soomaaliya ay sidoo kale muhiim tahay in lagu saleeyo sida shacabka u dareemayaan badbaadada nolol maalmeedkooda, isu-socodka iyo ku noolaanshaha deegaannadooda.





