MW Xasan Sheekh oo kulan la qaatayTaliyaha Ciidanka Milatariga Turkiga.

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa xarunta Madaxtooyada Qaranka ku qaabilay Taliyaha Guud ee Ciidanka Milatariga dalka Turkiga, Jeneraal Selçuk Bayraktaroğlu.

Kulanka ayaa looga hadlay xoojinta xiriirka istaraatiijiyadeed ee Soomaaliya iyo Türkiye, adkeynta iskaashiga labada dal ee dhinacyada difaaca iyo amniga, iyo dardargelinta dadaallada wadajirka ah ee lagula dagaallamayo maleeshiyaadka Al-Shabaab iyo argagixisada caalamiga ah.

Kulankan ayaa qeyb ka ah xiriirka iskaashi ee dhanka amniga iyo difaaca ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Turkiga.