Ciidamada Badda Turkiga oo sii wada ilaalinta maraakiibta shidaalka iyo sahanka ee ka howlgala xeebaha Soomaaliya.

Ciidamada Badda Turkiga ee ku sugan Soomaaliya ayaa sii wada howlgalka ilaalinta iyo galbinta maraakiibta sahanka shidaalka iyo kuwa taageerada ee ka howlgala xeebaha Soomaaliya, iyadoo howlgalka loo fulinayo sidii qorshuhu ahaa.

Qoraal lagu baahiyay bogga Facebook ee Wasaaradda Difaaca Turkiga ayaa lagu sheegay in maraakiib dagaal oo ka tirsan Kooxda Ciidamada Badda Turkiga ee Soomaaliya ay si joogto ah u wadaan galbinta iyo ilaalinta markabka sahanka shidaalka ee Çağrı Bey iyo maraakiibta taageerada ee Korkut, Altan iyo Sancar.

Maraakiibta ciidamada badda Turkiga ee fulinaya howlgalka ilaalinta ayaa waxaa ka mid ah afar markab oo kuwa dagaalka ah, kuwaas oo kala ah TCG Göksu, TCG Gelibolu, TCG Gökçeada iyo TCG Yıldırım, kuwaas oo ku howlan galbinta iyo sugidda amniga maraakiibta sahanka iyo taageerada.

Waxaa sidoo kale howlgalka qayb ka ah markabka shidaalka qaada ee TCG Yüzbaşı Güngör Durmuş iyo markabka ilaalada xeebaha ee TCG Bartın, kuwaas oo iyaguna ka qayb qaadanaya howlaha galbinta iyo ilaalinta maraakiibta.

Wasaaradda Difaaca Turkiga ayaa sheegtay in howlgalkaasi uu u socdo sidii loo qorsheeyay, iyadoo ciidamada badda Turkiga ay sii wadaan sugidda amniga maraakiibta ku howlan hawlaha sahanka iyo taageerada ee Soomaaliya.

Howlgalkan ayaa ku soo aadaya xilli Turkiga uu Soomaaliya ka wado qorshayaal la xiriira sahminta shidaalka iyo gaaska dabiiciga ah, iyadoo markabka Çağrı Bey uu qayb ka yahay dadaallada lagu baarayo khayraadka dabiiciga ah ee dalka.

Ilaalinta maraakiibta sahanka iyo kuwa taageerada ayaa muhiim u ah amniga howlaha badda iyo xaqiijinta in hawlgallada sahminta shidaalka ay u socdaan si ammaan ah, iyadoo ciidamada badda Turkiga ay sii wadaan joogitaankooda iyo howlgaladooda ilaalineed ee biyaha Soomaaliya.