Safiirka dowladda Turkiga u fadhiya Soomaaliya, Danjire Ferhat Alkan, ayaa kulan la yeeshay Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke, Guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka Federaalka Shariif Xasan Sheekh Aadan iyo Wasiirkii hore ee Warfaafinta Daahir Geelle.
Sida lagu sheegay qoraal lagu baahiyay bogga Facebook ee Safaaradda Turkiga ee Soomaaliya, kulanka ayaa looga hadlay xaaladihii ugu dambeeyay ee dalka, geeddi-socodka siyaasadeed iyo rajada mustaqbalka Soomaaliya.
Labada dhinac ayaa sidoo kale ka wada hadlay xiriirka diblomaasiyadeed ee Soomaaliya iyo Turkiga, iyo kaalintii uu Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke ka qaatay xoojinta iskaashiga labada dal intii uu hayay xilka Ra’iisul Wasaaraha.
Danjire Ferhat Alkan ayaa uga mahadceliyay Cumar Cabdirashiid kulanka iyo is-weydaarsiga aragtiyaha ku saabsan xaaladda Soomaaliya iyo xiriirka labada dal.
Kulankan ayaa kusoo aadaya xilli safiirka Turkiga uu maalmihii lasoo dhaafay kulamo la yeeshay madaxda mucaaradka Soomaaliyeed, kuwaas oo ay ka wada hadleen xaaladda siyaasadeed iyo khilaafka ka taagan hannaanka dowladnimada dalka.
Tallaabooyinkan ayaa muujinaya dadaallada diblomaasiyadeed ee Turkigu ku kordhinayo la-tashiyada dhinacyada siyaasadda Soomaaliya, iyadoo ay muuqato inuu Ankara dooneyso inay door ka qaadato isu-soo-dhoweynta Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo siyaasiyiinta mucaaradka, si loo helo wada-hadal lagu xalliyo khilaafaadka siyaasadeed ee dalka.
Sidoo kale, kulamadan ayaa kusoo beegmaya xilli uu sii xoogeysanayo khilaafka u dhexeeya Villa Soomaaliya iyo hoggaamiyeyaasha mucaaradka iyo qaar ka mid ah dowlad-goboleedyada, iyadoo weli la raadinayo hannaan siyaasadeed oo dhinacyadu ku gaaraan is-afgarad.




