Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya iska horimaad xalay ka dhacay gudaha magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan, kaas oo dhexmaray ciidamada deegaanka iyo ilaalada gaarka ah ee Hoggaamiye Ku-xigeenka Hirshabeelle, Cabdifaatax Xasan Afrax.
Iska horimaadka ayaa la sheegay inuu ka dhacay gudaha magaalada, iyadoo labada dhinac ay isku adeegsadeen hub kala duwan, waxaana xaaladda amni ee Beledweyne ay gashay marxalad kacsanaan ah, kaddib markii ay muddooyinkii dambe sii xoogeysanayeen khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee magaalada.
Wararka laga helayo xaaladda ayaa sheegaya in khasaaraha ka dhashay is-rasaaseynta uu ilaa hadda ku kooban yahay dhimashada hal gabar oo la sheegay inay waxyeello ka soo gaartay rasaastii labada dhinac is-weydaarsanayeen.
Xaaladda magaalada Beledweyne ayaa saaka lagu soo warramayaa inay tahay mid deggan, inkastoo ciidamada deegaanka ay weli ku sugan yihiin agagaarka guryaha ay deggan yihiin xubnaha ka socda Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo maamulka Hirshabeelle, taasoo muujinaysa in xiisadda labada dhinac aysan weli si buuxda u dhammaan.
Iska horimaadkan ayaa kusoo aadaya xilli ay Beledweyne ka taagan tahay xiisad siyaasadeed iyo mid amni oo la xiriirta khilaafka u dhexeeya maamulka Hirshabeelle iyo qaar ka mid ah siyaasiyiinta iyo ciidamada deegaanka, kuwaas oo ka soo horjeeda maamulka magaalada iyo habka ay wax u socdaan.
Xaaladda Beledweyne ayaa weli ah mid aan si buuxda loo saadaalin karin, iyadoo ay suuragal tahay inay isbeddel ku yimaadaan saacadaha soo socda, haddii aan la helin dadaallo lagu dejinayo xiisadda laguna kala qaadayo ciidamada isku horfadhiya magaalada.




