Aadan Madoobe oo booqday ciidamada la wareegay amniga magaalada Baraawe.

Hoggaamiyaha Koonfur Galbeed, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe), ayaa booqday cutubyo ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo la wareegay sugidda amniga magaalada Baraawe, oo ah caasimadda Koonfur Galbeed.

Aadan Madoobe ayaa ciidamada kula dardaarmay inay si hufan u gutaan waajibaadkooda amni, ilaaliyaanna nafta, sharafta iyo hantida shacabka, isaga oo ku adkeeyay inay muujiyaan feejignaan, masuuliyad iyo anshax ciidan.

Sidoo kale, wuxuu carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay in ciidamada ay si wanaagsan ula dhaqmaan shacabka, lana xoojiyo wada-shaqeynta bulshada iyo hay’adaha amniga, si loo xaqiijiyo nabadgelyo iyo xasillooni ka dhalata Baraawe iyo deegaannada hoos yimaada.

Booqashada ayaa waxaa Hoggaamiyaha ku wehlinayay Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Caddaaladda XFS, Taliye ku-xigeenka Ciidanka Xoogga Dalka, wasiirro ka tirsan maamulka Koonfur Galbeed iyo Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada maamulkaas.