DFS oo shaacisay halka ay marayaan diyaar-garowga wada-hadallada mucaaradka.

Madaxtooyada Soomaaliya ayaa war-saxaafadeed cusub ka soo saartay halka ay marayaan wada-hadallada siyaasadeed ee u dhexeeya Dowladda Federaalka iyo dhinacyada mucaaradka, iyadoo sheegtay in ay socdaan xiriirro lala yeelanayo dhinacyada lagu casuumay gogosha Wadatashiga Qaran.

 

War-saxaafadeed ay Madaxtooyadu soo saartay maanta oo Sabti ah, 14-ka Nofeembar 2026, ayaa lagu sheegay in xiriirrada socda ay qeyb ka yihiin diyaar-garowga shirka, kaas oo uu Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ku baaqay 26-kii Oktoobar ee sanadkan.

 

Madaxtooyada ayaa sidoo kale sheegtay in gogosha Wadatashiga Qaran ay dhawaan furmi doonto, balse aysan faahfaahin ka bixin waqtiga rasmiga ah ee la qabanayo iyo dhinacyada ilaa hadda xaqiijiyay ka qeybgalka.

 

Warkan ayaa imaanaya iyadoo Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed iyo siyaasiyiin kale oo mucaarad ah ay hore shuruudo uga keeneen ka qeybgalka wada-hadallada, iyagoo dalbanaya dammaanad-qaad iyo dhexdhexaadin caalami ah.

 

Dhanka kale, waxaa weli socda dadaallada lagu doonayo in dhinacyada siyaasadda Soomaaliya la isugu keeno, si xal looga gaaro khilaafaadka la xiriira doorashooyinka, dastuurka iyo mustaqbalka siyaasadeed ee dalka.

 

War-saxaafadeedka Madaxtooyada ayaa muujinaya in dowladda Federaalka ay weli ku howlan tahay diyaarinta gogosha wada-hadalka, iyadoo la sugayo in dhinacyada la casuumay ay ka soo jawaabaan baaqa Madaxweynaha.