Khalid Ali Tahir oo ah muwaadin Soomaali ah ayaa maxkamad ku taalla garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Jomo Kenyatta (JKIA) lagu soo oogay afar dacwadood oo la xiriira helitaanka iyo isticmaalka dukumentiyada aqoonsiga Kenya oo lagu eedeeyay inuu si khiyaano ah ku helay.
Khalid ayaa maxkamadda la horgeeyay Khamiistii, 12-kii Nofeembar 2026, kaddib markii 27-kii Oktoobar lagu xiray garoonka diyaaradaha JKIA, xilli uu isku diyaarinayay inuu u safro magaalada Daarusalaam ee dalka Tanzania.
Baaritaanno ay sameeyeen saraakiisha waaxda dambi-baarista Kenya (DCI), oo kaashanaya hay’adaha socdaalka iyo adeegyada muwaadiniinta, ayaa lagu sheegay inay heleen caddeymo ku filan oo lagu soo oogo dacwadaha la xiriira dukumentiyada aqoonsiga.
Eedeymaha loo soo jeediyay waxaa ka mid ah inuu Kenya ku joogay si sharci-darro ah, inuu si ula kac ah u isticmaalay kaar aqoonsi ay ku jiraan xog been ah, iyo inuu sameeyay caddeymo been ah si uu ku helo baasaboorka Kenya iyo ruqsad ku-meel-gaar ah.
Khalid Ali Tahir ayaa iska fogeeyay dhammaan afarta dacwadood ee lagu soo oogay, waxaana maxkamaddu siisay dammaanad lacageed oo dhan 400,000 oo shilinka Kenya ah.
Sidoo kale, waxaa lagu amray inuu keeno laba qof oo Kenyan ah oo xiriir ahaan loo aqoonsan karo, kuwaas oo mid kasta laga doonayo warqad caddeyn ah oo uu ka soo saaro madaxa deegaanka uu ka soo jeedo.
Maxkamaddu waxay sidoo kale amartay inuu dhiibo baasaboorka kasta oo uu haysto, iyadoo la saaray amar lagu joojinayo dukumentiyada la xiriira kiiska.
Dacwadda ayaa mar kale maxkamadda la horgeyn doonaa 25-ka Nofeembar 2026, markaas oo la guda geli doono dhageysiga hordhaca ah.
Waaxda Dambi-baarista Kenya (DCI) ayaa sheegtay inay sii wadi doonto baaritaannada iyo dacwad-oogista dadka lagu eedeeyo inay si khiyaano ah ku helaan ama u isticmaalaan dukumentiyada dowladda Kenya.



