Golaha Wasiirada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta yeeshay kulankoodii joogtada ahaa, waxaana kulanka shir guddoominayay Ku-simaha Ra’iisul Wasaaraha ahna Wasiirka Caddaaladda C/laahi Axmed Jaamac Ilka-Jiir. Shirka ayaa looga dooday qodobo kala duwan.
Qodobada maanta looga hadlay shirka golaha wasiirada waxaa ka mid ahaa xakameynta waxyaabaha Qarxa.
Wasiirka cadaaladda ahna gudoomiyaha gudiga badbadinta hantida qaranka ayaa Golaha u soo gudbiyay digreeto lagu keenayo hantida ay lahaanjireen wasaardaha iyo hey’adaha dowladda ee dowladii dhexe si ay u fududaato daba-gelida hantida qaranka iyo in la hubiyo in si sharci ah loo isticmaalo.
Afhayeenka xukuumadda Soomaaliya Cabdicasiis Cabdi Xaaji ayaa faahfaahin ka bixiyay qodobada ay ka hadleen golaha wasiirada.



