Waxaa maanta lagu wadaa in uu magaalada Muqdisho ka furmo shirka Madasha Wadatashiga Qaran oo looga hadlaayo arimaha doorashooyinka sanadkaan 2016.
Madax ka tirsan kuwa ku mideysan Madasha Wadatashiga Qaran ayaa lagu wadaa in ay maanta soo gaaraan Muqdisho , si ay uga qeyb galaan shirka Madasha Wadatashiga Qaran oo looga hadlaayo doorashooyinkaan oo ay wax yar ka dhiman yihiin.
Wasiirka Wasaarada warfaafinta Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa horay u sheegay in shirka uu Muqdisho ka furmi doono 2 Agusta 2016 loogana hadli doono arimaha doorashooyinka.


