DHAGEYSO: Xaalado dhanka nolosha ah oo ka jira degmada Tiyeeglow

Tiyeeglow-RisaalaFM- Xiritaanka Wadooyinka Degmada Tiyeeglow ee gobolka Bakool ayaa waxa ay saameeyeen adeegyadii ay ubaahnaayeen shacabka ku nool degmadaasi.

Ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya, kuwa Koonfur Galbeed iyo kuwa Midowga Afrika ee AMISOM ayaa waxa ay wadaan Dadaalo ay wax uga qabanayaan sidii loogu gar gaari lahaa shacabka ku nool degmadaasi iyo sidii ay ufuri lahaayeen wadooyinka ay go’doomiyeen Shabaab.

Gudoomiyaha degmada Tiyeeglow ee gobolka Bakool Maxamed Cabdule Food-cade oo la hadlay Idaacadda Risaala ayaa waxa uu sheegay in degmada Tiyeeglow ay hada ka jiraan xaalado dhanka Caafimaadka, Waxbarashada iyo kuwa kale.

Dhanka kale Gudoomiyaha degmada Tiyeeglow ayaa waxa uu sheegay xaalada caafimaad daro ee ka jirta degmada Tiyeeglow in aysan waxba ka qaban Wasaarada Caafimaadka dowladda Soomaaliya iyo Wasaarada Caafimaadka Maamulka Koonfur Galbeed, iyadoo mudooyinkii dambe degmadaasi uu ka dilaacay cudurka shuban biyoodka oo ay ugeeryoodeen ku dhowaad 20 Qof.