Madaxweyneyaasha maamulada Koofur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta Gareen) iyo Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor) ayaa maanta si rasmi ah isku diiwaan geliyay magaalooyinka Baydhabo iyo Dhuusamareeb, halkaas oo si buuxda uga bilaabatay is-diiwaangelinta dadweynaha ee doorashada goleyaasha deegaanka.
Diiwaan gelintan oo ka dhaceysa qaar kamid ah deegaanada maamulada Koonfur Galbeed iyo Galmudug ayaa waxaa si weyn uga qeybgalaya mas’uuliyiin, odayaal, dhalinyaro, iyo haween, iyaga oo safaf dheer ugu jira sidii ay codkooda uga diiwaan gelin lahaayeen doorashada hal qof iyo hal cod.
Sida uu qorshuhu yahay, doorashadan deegaanka ayaa ah tallaabo muhiim ah oo loo qaaday dhanka dimuqraadiyeynta dalka iyo in shacabka si toos ah uga qeyb qaataan hoggaanka deegaanka.
Baydhabo, Dhuusamareeb iyo qaar kamid ah degmooyinka Caasimadda Muqdisho ayaa noqday meelaha ugu horreeya ee laga bilaabo diiwaangelinta doorashada goleyaasha deegaanka.



