MW Xasan Sheekh iyo Mucaaradka oo shir ugu socdaa madaxtooyada Soomaaliya

Madaxweynaha dowladda  Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo sii wada kulamada Gogosha Wadatashiga Qaran ee uu horay uga furay magaalada Muqdisho, ayaa maanta Madaxtooyada Qaranka markale ku qaabilay masuuliyiin isugu jira Madaxweyne hore, Ra’iisul Wasaareyaal hore, Guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka iyo masuuliyiin hore.

Kulanka maanta ayaa diiradda lagu saarayaa ajndayaashii horay loogu heshiiyay ee ay kamid ahaayeen dhammaystirka hannaanka dib-u-eegista dastuurka, hirgelinta hannaan doorashooyin oo toos ah iyo sidii la iskaga kaashan lahaa dadaalka wadajirka ah ee lagu ciribtirayo argagixisada.

Dhinacyda ayaa xiligan waxaa u socdo dood adag oo ku saabsan doorashooyinka iyo Dastuurka dalka.

Labadan qodob ayaa ah kuwa ugu weyn ee dhinacyada ay falanqeynayaan.