Madaxda sare ee dalka oo ka tacsiyeeyay geerida ku timid Suldaan Cabdulqaadir.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka tacsiyeeyey geerida Alle ha u naxariistee, Suldaan Cabdiqaadir Xaaji Maxamuud oo ahaa Madaxweyne Ku-xigeenkii 2-aad ee Dowlad-goboleedka Jubbaland.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in Marxuumku uu door ka soo qaatay nabadeynta, mideynta iyo dowlad dhiska, isagoo si gaar ah ugu tacsiyeeyey ehelka, qaraabada iyo bulshada Jubbaland ee uu ka baxay.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Alle uga baryey Marxuumka in uu hoygiisa ka yeelo Jannatul Firdows, samir iyo iimaanna uu ka siiyo qoyskiisa iyo umadda Soomaaliyeed ee uu ka baxay.

Cabdiqaadir Xaaji Maxamuud ayaa ku geeriyooday Isbitaal ku yaala magaalada Nairobi ee dalka Kenya caawa ka dib xanuuno soo wajahay oo halkaas lagula tacaalayey.

Sidoo kale Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka JFS, Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi, Waxa uu sidoo kale tacsi tiiraanyo leh u dirayaa qoyska, qaraabada, Madaxda iyo maamulka sare ee Dowladda Jubaland iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed ee uu ka geeriyooday, Allaha u naxariistee Madaxweyne ku xigeenkii labaad Dowlada Gobaleedka Jubaland, Marxuum Cabdiqaadir Xaaji Maxamuud Lugadheere oo maanta ku geeriyooday magaalada Nairobi oo muddooyinkii dambe xaalad caafimaad u joogay.

Guddoomiyaha waxa uu Marxuumka Alle uga baryayaa in uu jannatul Fardowsa ka waraabiyo samir iyo iimaanna uu ka siiyo qoyska, ehelada iyo dhammaan Ummadda Soomaaliyeed ee uu marxuumku ka geeriyootay.