Axmed Madoobe oo magacaabay guddiga ka shaqeeya Aaska qaran ee Suldaan C/qaadir

Madaxweynaha Dowladda Jubaland, Axmed Maxamed Islaam, ayaa magacaabay guddi heer sare ah oo loo xilsaaray qabanqaabada Aaska Qaran ee Marxuum Suldaan Cabdiqaadir Xaaji Maxamuud, oo ku geeriyooday magaalada Nairobi. Marxuum Xaaji Maxamuud wuxuu ahaa Madaxweyne ku xigeenka Labaad ee Dowladda Jubaland.

Aaska Qaran ayaa si rasmi ah uga dhici doona magaalada Kismaayo, waxaana lagu wadaa in marxuumka laga soo qaado magaalada Nairobi.

Guddi ka kooban xubno ka tirsan dowladda Jubaland ayaa hawsha qabanqaabada aaska u xilsaaran. Guddigan ayaa sidoo kale ka shaqeyn doona diyaargarowga xiriirka Aaska Qaran ee lagu qaban doono Kismaayo iyo qabanqaabada kale ee la xiriira.

Guddiga loo magacaabay qabanqaabada Aaska Qaran wuxuu ka koobanyahay xubno sare oo ka tirsan Wasaaradaha kala duwan ee Jubbaland, oo ay ka mid yihiin Wasiirada Wasaaradaha Caafimaadka, Caddaalada, Awqaafta, iyo Xeer-ilaalinta Guud ee Jubbaland, iyo sidoo kale Guddoomiyaha Degmada Kismaayo.

Madaxweyne ku xigeenkii Labaad ee Jubbaland ayaa ku geeriyooday magaalada Nairobi ee dalka Kenya, isagoo halkaasi maalmihii ugu dambeeyay ku xanuunsanayay.