Horjoogayaal sare oo ka tirsan Al-shabaab oo lagu dilay G/Jubada Hoose.

Ciidamada kumaandooska Danab, kuwa Jubbaland iyo saaxiibada caalamiga ah ayaa fuliyay howlgal qorsheysan oo ka dhacay Tuulada Maqooqaha, oo qiyaastii 13km dhanka Galbeedka kaga beegan Deegaanka Buulo-Xaaji ee Gobolka Jubadda Hoose.

Howlgalka ayaa lagu beegsaday goobo ay ku dhuumaaleysanayeen maleeshiyaadka Al-shabaab, waxaana lagu dilay in ka badan 37 xubnood oo ka tirsan kooxda Al-shabaab, oo ay ku jireen horjoogeyaal sare.

Saraakiisha howlgalka hogaaminaysa ayaa sheegay in Xogta iyo magacyada horjoogeyaashaasi si rasmi ah loo soo bandhigi doonaa.

Warka ka soo baxay saraakiisha ciidanka Jubbaland ayaa waxaa lagu yiri “Tani waxay caddeyn u tahay sida ay uga go’an tahay Dowladda Jubbaland in laga ciribtiro Khawaarijta deegaannada ay weli isku dayayaan inay ku dhuumaaleystaan.Howlgallada is-daba joogga ah ee ay wadaan ciidamada Jubbaland oo garab ka helaya Danab iyo saaxiibada caalamiga ah ayaa ah kuwo si weyn u wiiqaya awoodda Khawaarijta, islamarkaana Xoojinaya ammaanka guud ee Deegaanada Jubaland.”.