Madaxweyne ku xigeenkii Labaad ee Jubbaland Cabdiqaadir Xaaji Maxamuud (Lugadheere) ayaa maanta ku geeriyooday Magaalada Nairobi ee dalka Kenya, halkaas oo xaalad caafimaad loogu qaaday.
Madaxweye Axmed Maxamed Islaam ayaa tacsi u diray Marxuumka oo muddo dheer la soo shaqeeyay, una ahaa ku xigeenka labaad ee maamulkaasi.
Marxuumku wuxuu ahaa halyey kaalin muuqata ka qaatay dadaalladii dib u heshiisiinta Jubaland, isagoo noloshiisa inta badan u huray midnimada, wadajirka, iyo horumarka bulshada.
Wuxuu ahaa masuul ay ka go’an tahay in xal loo helo dhibaatooyinka taagan, kuna dadaalayay in uu dadka isu keeno.



