Ciidamo ka tirsan Maamulka Jubland oo ku biiray Ciidamada DFS ee ku sugan Raaskambooni

in ka badan 30  askari oo ka tirsan Ciidamada Jubbaland ayaa ku biiray hawlaha Ciidamada Qalabka sida ay ka wadaan degaanka Raas kambooni ee Gobolka Jubbada hoose.

Ciidanka Dawlada  gaarey degaankaasi ayaa la wareegi doona fariisimaha ay ka baxayaan Ciidamada Nabad Ilaalinta Midowga Afrika ee ATMIS, iyagoo dhanka kale sii wadi doona howlgalka Dalka looga saarayo Alshabaab .

Taliyaha Guutada 18aad ee Ciidanka Komandoska GorGor ee Xoogga Dalka Soomaaliya G/dhexe Xasan Aadan Maxamed (Xasan Ciraaqi) oo la hadley ciidanka kaga soo biiray dhanka maamulka Jubbaland, ayaa kula dardaarmey inay si buuxda uga qeyb qaataan dagaalka ka dhanka ah Alshabaab .