Ra’iisal Wasaare Xamse oo Sharuud ku xiray Wada hadal ay Xukuumaddiisa la galeyso Alshabaab

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamza Cabdi Barre ayaa sheegay in dowladdu ay diyaar u tahay inay wadahadal la gasho kooxaha argagixisada ah ee dalka ka dagaalama, hadii nabad lagu helayo, wuxuuna shuruud ka dhigay inay joojiyaan dilalka iyo qaraxyada ay u geystaan dadka Soomaaliyeed ee aan waxaba ka galabsan.

Ra’iisul wasaaraha oo sii hadlayey ayaa sheegay  in Dagaalka kaliya uusan  xal  ahayn isaga oo sheegay  raadineynaa nabad, balse xalka ugu dambeeyain  wuxuu noqon doonaa wadahadal  waa haddii ay ka tanaasulaan fikirka Xagjirnimada ,   isqarxinta  iyo dilka ay u geysanayaan madaxda siyaasiyiinta iyo Dadka shacabka ah ayuu yiri” Ra’iisal Wasaare Xamse .

Waa Markii Uu horreesay Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre u  shaaciyo in Xukuumadiisa ay wadahadal ay la galeyso Alshabaab  balse uu sharuud uu ku xiray wadahadalkaas.

Hase’ahaatee” arintaan ayaa ku soo aadeysa Xili Ciidamada Qalabka sida dhammaadka sanadkan ay la wareegayaan Amniga dalka Xilligaas oo ay dalka ka baxayaan Ciidanka ATMIS oo Taageeraya Dawlada Federaalka Soomaaliya .