Waaxda socdaalka iyo dhaqan galinta Canshuuraha ee dalka Maraykanka ayaa sii daysey natiijada warbixinta howlgalo qaatay labo todobaad oo ay kula dagaalamayeen dambiyada ka dhana caruurta iyo kuwa khatarta ku ah nabad galyada Maraykanka.
Howlgalada oo ka dhacay labaatan iyo shan magaalo iyo dhulka miyiga ah guud ahaan Maraykanka, ayaa lagu bartilmaameedsaday shaqsiyaad danbiyo galay oo si xor ah u watay dhadhqaaqooda. Basle markii danbe lagu helay dambiyo lidi ku ah amaanka Maraykanka.
In ka badan 171 qof ayaa lagu qabtay howlgalka, boqol iyo saddex ka mida ayaa lagu helay danbiyo dilal ah iyo kufsi caruur, dadka la qabtay waxaa ka mid ah qof Soomaali ah oo ay waaxdu Socdaalka Maraykanku ku sheegtay inuu ka tirsan yahay Ururka Alshabaab.
Ku simaha agaasimaha ahna ku xigeenka Haya’dda Socdaalka iyo Dhaqangalinta Canshuuraha Maraykanka ee ‘ICE’, Patrick J. Lechleitner, ayaa xaqiijiyey warar ay daabaceen warbaahinta Maraykanka qaarkood oo shaaca ka qaaday in argagaxiso ay ka soo talaabeen xadka Maraykanka bishii maarso ee sanadkii 2023-dii.
Bartamihii bishii Janaayo ee sanadkan, afhayeenka Haya’adda Socdaalka iyo dhagangalinta Canshuraha ee Maraykanka ‘ICE’, Erin Bultje ayaa u sheegay warbahinta in qof Soomaali ah oo da’diiisu tahay 27 sano jir uu Maraykanka ka soo galay meel u dhow San Ysidro ee gobolka California laakin xiligaas wax baarid ah lama marin bartamihii Maarso.
“Waxaan rabaa inaan amaano shaqaalaheena sababtoo ah isla markii aan ogaanay taas – 48 saacadood gudahood – waa la qabtay, wuxuuna hadda ku jiraa xabsiga ICE, Waxaan u maleynayaa inay taasi tahay natiijo cajiib ah – marag u ah sida xirfada leh ,daacadda ah, iyo kartida shaqaalaheena.” Ayuu yiri Patrick
Patrick waxaa weheliyey agaasimaha fulinta ee ICE, Daniel A. Bible markii uu saxaafada kula hadlayey xarunta Haya’dda ee ‘ICE’
Maraykanka ayaa la kulmay mowjado dadka magangalyo doon ah, kuwaas oo tiro badan oo ka mid ah ay ka galeen soohdimaha dhanka dhulka ee ay la wadaagto dalka Mexico.
Walaaca argagaxisada ee ka gudba xaduudaha waa mid ay muujiyeen haya’dda Socdaalka ee Maykanku, balse waxay sheegeen inay si taxadar leh ugu feejigan yihiin khatar walba oo lida ku ah ammaanka iyo badqabka dadka Maraykanka.
Dhanka kale, warbaahinta dalka Cost Rica ayaa sheegay inay hay’adaha ammaanka dalkaasi ay gacanta ku dhigeen nin Soomali ah oo lala xiriirnayo uu ka tirsan yahay ururka Al-shabaab ee ka dagaalama gudaha Soomaaliya.



