Faah Faahino ayaa ka soo baxaya Weerar Alshabaab ay ka geysteen degaanka Shabeellow ee Koofurta gobolka Mudug .
Weerarkan oo ku bilowday Qaraxyo ayaa Alshabaab waxaa ay ku qaadeen Fariisin ay Ciidanka Xoogg dalka iyo kua degaanka ay ku leeyihiin degaankaas waxaana halkaas ka dhacay dagaal khasare sababay oo u dhexeyay ciidsamada Xoogga dalka gaar’aahan kuwa Gor gor oo kaashanaya Ciidamada degaanka Al shabaabkii halkaas weeraray .
Warbaahinta Dawlada ayaa baahisay in 21 xubnood oo ka tirsan Alshabaab lagu dilay Weerarkaas ismarkaanaka Ciidanka Xoogga dalka oo kaashanaya kuwa degaabka ay ka hortageen Xubno ka tirsan Alshabaab oo soo weerary degaanka shabeello ee gobolka Mudug.
Goob joogayaal ku sugan gobolka Mudug ayaa sheegaya in uu jiro khasaare dhimasho iyo dhaawac leh oo soo kala gaaray dhinacyada dagaalamay balse saraakiisha mayasan sheegin khasaaraha ciidanka dawlada iyo kuwa degaanka ka soo gaaray dagaalkaas.



