DHAGEYSO: Kooxda Jubbaland oo guul ka gaartay Galmudug

Muqdisho-RisaalaFM- Waxaa galabta kulan ka tirsan Tartanka maamul goboleedyada Garoonka kubada cagta ee Banaadir Stadium ku cayaaray kooxaha Jubbaland iyo Galmudug.

kulanka oo ahaa mid aad uxiiso badan ayaa waxa ay labada kooxoodba doonayeen midba mida kale in ay guul ka gaarto.

Kooxda Jubbaland ayaa waxa ay galabta ciyaartay kulankeedii Labaad ee Tartanka maamul goboleedyada dalka halka kooxda Galmudug ay galabta ciyaartay kulnkeedii koowaad ee tartankan.

Taageerayaasha Labada dhinac ayaa galabta waxa ay soo xaadireen Garoonka ciyaarta ay ka dhaceysay iyagoo sitay Calamada Labada kooxood, waxaana ay u kala sacba tumayeen labada dhinac.

Kooxda Jubbaland ayaa galabta 2 iyo 1 ku garaacday kooxda Galmudug oo kulankeedii ugu horeeyay indhaha loo furay, iyadoo dadkii ciyaarahan la socday inta uu tartankan soo bilowday ay sheegeen in kulankii galabta uu ahaa midkii ugu xiisaha badnaa.

Kooxda Jubbaland oo kulankeedii ugu horeeyay ee Tartankan guuldaro la soo kulantay ayaa waxa ay hada tahay mid rajo ka leh in ay usoo gudubto qeybaha kale ee Tartankan.

Maalinta beri ah waxaa ciyaaraya kooxaha Puntland iyo Banaadir iyadoo kooxahan ay guulo usoo gaareen kulamadoodii ugu horeeyay ee ay Tartankan ciyaaraan, hadii aan dib idin xusuusino kooxda Banaadir ayaa furitaanka Tartankan waxa ay 5 iyo 0 ku soo dhifatay Koonfur Galbeed oo Tartankan ka hartay halka Kooxda Puntland ay sidoo kale shalay 4 iyo 0 ku garaacday isla Koonfur Galbeed.