Faah faahin: Jugta qaraxyo laga maqlay Magaalada Muqdisho

Waxaa inta badan degmooyinka Gobolka Banaadir laga maqlay jugta qaraxyada, xilli dadka badai ay afureen maadaama Maanta oo dhan ay soonaayeen, waxaana kasoo baxaya warar kala duwan.

Degmooyinka, Wadajir, Xamarweyne iyo Shangani ayaa siweyn looga maqlay jugta qaraxyada, waxaana dadka Shacabka ah ay dareemeen cabsi xoogan oo ku aadan inay waxyeelo soo gaarto.

War kasoo baay taliska Booliska Gobolka Banaadir ayaa waxaa lagu yiri” Wargalin:-waxaan ku wargalineynaa Shacabka ku nool Caasimada, in ay san wax khasaara ah aysan geesan dhawaqa ay maqlayeen waxeyna ahaayeen Qaraxyo dheemish ah oo ay cadawga ummadda Soomaaliyeed ku qal qalgalinayeen ummada muslimiinta ah wakhtigii afurka.

Waxaana la ga hortagay qeyb ka mid ah ayagoon Qarxin.
Mahadsanidiin.
Dhowr jeer ayaa laamaha Amniga Soomaaliya sidaan oo kale u sheegeen in qaraxyo laga maqlay Magaalada muqdisho ay ahaayeen dheemish ay soo rideen Al-Shabaab, kaas oo ay ku doonayaan inay Amniga Magaalada ku khalqal geliyaan.