DHAGEYSO: Faah faahin Howlgallo laga sameeyay gobolka Baay

Baay-RisaalaFM- Maamulka degmada Buur-hakaba ee gobolka Baay ayaa waxa uu ka hadlay baaritaano iyo howlgallo maalmihii udambeeyay ka socday degmadaasi.

Gawaarida gasha degmada Buur-hakaba iyo kuwa ka baxa ayay ciidamada dowladda Soomaaliya baaritaano ku sameynayeen si looga hortago falalka amni daro ee mararka qaar ka dhaca degmadaasi.

Gudoomiyaha degmada Buur-hakaba ee gobolka Baay Maxamed Cabdi Nuur oo Idaacadda Risaala la hadlay ayaa sheegay in howlgaladan ujeedkooda uu ahaa sidii amniga degmada Buur-hakaba loo xaqiijin lahaa.

Waxa uu sheegay in howlgaladan ay sii socon doonaa ilaa Shabaab lagaga saarayo deegaanada iyo tuulooyinka ay kaga sugan yihiin degmada Buur-hakaba.

Maamulka Koonfur Galbeed ayaa horey usheegay in bilaabeen howlgallo ka dhan ah Al-shabaab oo looga saarayo goobaha ay kaga sugan yihiin Koonfur Galbeed.