Iyada oo weli meelo kamid ah dalka ay ka socdaan howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab ayaa ciidamada dowladda Soomaaliya iyo dadka degaanka ee hubka qaateen waxaa ay bilaabeen inay kasoo baxaan degaannadii ay kala wareegeen Al-Shabaab ee ka kala tirsan gobolada Shabeellaha Dhexe iyo Galgaduud.
Degaannada saacadihii la soo dhaafay ay ciidamada dowladda baneeyeen ayaa waxaa kamid ah degaanka Wabxo ee Gobolka Galgaduud oo maalmo ka hor uu ka dhacay dagaal geystay khasaaro dhimasho & dhaawac ah iyo degaanka ceelbaraf oo shalay Ciidamadu ay sinabadgeliyo ah kula wareegeen.
Siyaabo kala duwan ayaa loo fasiray sababaha keenay in ciidamadu ay si fudud uga soo baxaan degaano iyo degmooyin markii la qabanayay waqti badan la geliyay, isla markaana dagaalo ay ka dhaceen.
Halkan ka Daawo Warbixin ku saabsan Warkaan




