Dowladda Somalia oo Canada ka codsatay inay kordhiso Gurmadka looga jawaabayo Abaaraha

Ergeyga Gaarka ah ee Madaxweynaha  u qaabilsan Gurmadka Abaaraha Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo booqasho hawldeed ku jooga Ottawa ayaa Dowladda Canada kala hadlay sidii ay u kordhin lahayd deeqda looga jawaabayo gurmadka abaaraha Soomaaliya.

Kulan uu Ergeygu magaalada Ottawa kula yeeshay Wasiirka Horumarinta Caalamiga ah ee dalka Canada Harjit Sajjan ayuu si weyn ugu boorriyay muhiimadda ay dadka abaaruhu saameeyeen u leedahay in Dowladdiisu sare u qaaddo deeqda, kaalin muuqatana ka qaadato gurmadka abaaraha.

Egayga gaarka ah ayaa sidoo kale Dowladda Canada ka codsaday in ay Soomaaliya ka gacan siiso sidii Dawladaha iyo hay’adaha ay saamaynta ku leedahay iyo deeq-bixiyayaasha caalam-kaba loogu soo jeedin lahaa xaddiga abaaraha ka jira dalka, loona xoojin lahaa gurmadka.

Dhinacyadu waxa ay isla meel-dhigeen in xoogga la saaro maalgelinta mashaariicda adkaysiga iyo ka soo kabashada, lana dhiso awoodda Dawladda. Ergeyga ayaana ugu danbeyn Wasiirka la wadaagay sida loogu baahan yahay mashaariic xasillineed oo degdeg ah oo wax loogu qabto degaannada laga xoreeyey kooxaha xag jirka ah.

Socdaalka Ergeyga ayaa ku qotoma sidii uu indhaha caalamka ugu soo jeedin lahaa baaxadda abaaraha ka jira Soomaaliya, wuxuuna hay’adaha Qaramada Midoobay iyo dalalka xubnaha ka ah ku wargaliyay in weli farqi weyn uu u dhaxeeyo deeqaha la ballan-qaaday iyo baahida ay qabaan dadka abaaruhu wax-yeelleeyeen.