Xulka Portugal oo xalay gaaray Final-ka Euro 2016

Ronaldo ayaa sidoo kale noqday ciyaaryahanka ugu qiimaha badan marka loo fiirsho ciyaaraha wareegga semi-finalka European Championships maadaama uu ka dhaliyey laba gool isla markaana uu laba gool caawiyey, wuxuuna dhaafay afar ciyaaryahan oo min seddax gool ku lug yeeshay wareegga afar dhammaadka ee tartankaan.

Ronaldo ayaa ka sokoow inuu noqday gooldhaliyaha ugu sarreeya ciyaaraha kama dambeysta ah ee European Championships, ayaa wuxuu sidoo kale noqday ciyaaryahankii ugu horreeyey ee shan gool  oo madax ah ka dhaliya ciyaaraha kama dambeysta ah ee European Championships.

Seddax daqiiqo ka dibna, kabtanka xulka Portugal Roanldo ayaa caawiye ka ahaa goolka labaad ee xulkiisa kaasoo uu shabaqa dhexdhigay xiddigii hore ee Manchester United Luis Nani, kaasoo kubadda si wanaagsan u dabamariyey goolhaye Wayne Hennessey.

Portugal ayaa markeedii labaad usoo baxday finalka European Championships ka dib Euro 2004 oo ay martigeliyeen isla markaana ay ciyaartii kama dambeysta aheyd guuldarro kala kulmeen xulka Greece. Waxayna haatan finalka ku wajihi doonaan midkood xulalka Germany iyo France oo ciyaari doona habeen dambe oo Khamiis ah, iyagoo raadinaya inay markoodii ugu horreeyey hantaan koobkaan Axada soo aadan.

Xulka Portugal ayaa noqday xulkii sideedaad ee laba jeer gaara finalka Eurpean Championships. Marka laga hadlo xulalkaas, keliya Yugoslavia ayaa ku guuldarreysatay inay hanto koobkaan, taasoo ka dhigan inay todobada xul ee kale ee min labada jeer gaaray finalka tartankaan ay labada jeer midkood ku guuleysteen.