Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federalka ee Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre waxa uu maanta kulamo kala gaar ah la qaatay qeybaha kala duwan ee Bulshada Rayidka oo uu kala hadlay dhisitaanka xukuumad tayo leh oo si degdeg ah uga samatabixisa dhibaatooyinka heysta dadkeena iyo dalkeena.
Qaybaha Ra’iisul Wasaaruhu la kulmay waxay isugu jireen culimada, ururrada bulshada rayidka iyo dhalinyarada – kuwaaso oo soo jeediyay talooyin wax ku ool ah, iyaga oo sheegay inay gacan siin doonaan dowladda cusub.
Ra’iisul Wasaare Xamse wuxuu sheegay in go’aankiisa uu yahay soo dhisida xukuumad tayo leh, isla markaana ay kasoo dhex muuqaan doonaan Dhalinyaro farabadan.
Muddo 10 Cisho ah oo Maalinta Berito ah ka bilaabaneysa ayaa Ra’iisul Wasaare Xamse laga sugayaa in uu kusoo Magacaabo Golihiisa Wasiirada.



