Afhayeenka booliska Soomaaliya Cabdifitaax Aadan oo faahfaahin ka bixiyey qaraxii xalay ka dhacay xeebta Liido ayaa sheegay inuu fuliyey qof naftiisa haligay oo soo xirtay jaakadda qaraxda.
3-qof oo dhimasho ah iyo dhaawacyada 8-kale ayuu xaqiijiyey inay ka dhasheen qaraxaas, isla markaana hadda la sugay gacan ku heynta ammaanka aagii qaraxaas uu ka dhacay.
Dadka dhintay iyo kuwa dhaawacmay ayaa isugu jira Saraakiil boolis iyo qaar ka mid ah dadkii shacabka ahaa ee halkaasi ku sugnaa.
Qaraxa waxaa ka badbaaday taliyaha Ciidanka booliska Soomaaliyeed iyo Xildhibaano ka tirsan golaha Shacabka oo dhawaan laga soo doortay degaanada maamulka Puntland
Raiisul wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble iyo xubno ka mid ah Midowga Musharraxiinta ayaa cambaareeyay Qaraxaasi.



